Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Xaaladda Degmada Gaalkacyo oo maanta daggan iyo xiisado colaadeed oo weli laga dareemayo

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa la sheegayaa inay maanta daggan tahay kaddib dagaalo magaaldaas dib uga qarxay shalay, kuwaasoo u dhexeeyay maamullada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalladii shalay ka dhacay oo ahaa kuwo ka culus kuwii ka dhacayya maalmihii lasoo dhaafay, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraaan hal qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan afar qof.

Sidoo kale, shacabkii ku noolaa degmadaas ayaa la sheegay inay gabi ahaan ka barakaceen guryahooda, iyadoo xiisaduna ay weli taagan tahay, laguna Guul-darreystay Dadaallo lagu doonayay in dagalaladan lagu qaboojiyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhawr jeer oo is-xiga kusoo laa-laabtay dagaallo culus oo u dhexeeya labada maamul oo uu u dhexeeyo muran ku aaddan maamulka magaalada iyo arrimo kale.

Ugu dambeyntii, Maamulka Galmudug ayaa sheegay in lagu soo qaaday Weeraro Saddex-geesod ah oo iska kaashanayaan Puntland iyo koox ay ugu yeereen magaceeda Sufo oo ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca. Inkastoo aan jawaab laga bixin hadalkaas.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *