Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

DAWLAD GOBOLEEDKA WAQOOYI BARI OO HOGGAANKEEDA LAGU DHAWAAQAY

 

Ka dib shir uga socdey illaa bishii October, 2017-kii, Guddiga Siyaasadda ee Ururka Waqooyi Bari(UWB), wada xaajood iyo tashi dheer la galay bulshada kala geddisan ee Reer Waqooyi Bari gudo iyo dibadba, laga bilaabo Feebaraayo 12-keeda, 2018-ka, Guddiga Siyaasadda Ururka Waqooyi Bari ee W-6 ayaa ku dhawaaqay xubanaha hoos ku xusan inay noqdaan hoggaanka kumeel-gaarka ah (Interim Government) ee Dawladda Waqooyi Bar (Sanaag, Sool iyo Bari).

 

Sidaa daraadeed ka dib markay arkeen Dastuurka Ururka Waqooyi Bari gaar ahaan qodobbadiisa 7-aad ilaa qodobka 12-aad, waxa Guddiga Siyaaddu isu raacay in:

 

  1. Guddoomiyihii Ururka Waqooyi Bari (UWB) Maxamuud Axmed Cabdalle yahay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari 4-ta sannadood ee soo socota.
  2. Guddoomiye Ku-Xigeenkii Ururka Waqooyi Bari(UWB) Mudane Cabdullaahi Cali Ibraahim (Geelle) yahay Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Waqooyi Bari 4-ta sannadood ee soo socota.

 

Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka ka dib marka loo dhaariyo xilalkooda cusub, waxa bannaanaan doona jagooyinkii horay ay uga hayeen Ururuka, jagooyinka Guddoomiyaha iyo Ku-Xigeenka, waana loo tartamayaa, tartan doorasho ururka UWB dhexdiisa ah.

 

Golaha xukuumadda waxa soo dhisaya Madaxweynaha isagoo la tashanaya Madaxweyne Ku-Xigeenka. Sidoo kale wuxu soo magcaabayaa golaha Caddaaladda, Qareennada Maxkamadda Sare iyo taliyayaasha ciidammada kala duwan.

 

Gunaanad:

Golaha Siyaasadda ee W-6 ayaa ah aasaaska Golaha Baarlammaanka oo ka koobnaan doona laba gole: Golaha Sharciyaqaannada iyo Golaha Guurtida. Guddoonnada Golayaasha Baarlammaanka waxa si rasmi ah loo dhisi doonaa marka golayaasha xukuumaddu deegaanka Waqooyi Bari Soomaaliya ka hawl bilaabo.

Mahadsanidin:

Guddiga Siyaasadda ee Ururka Waqooyi Bari

 


 

XOGTA OO DHAMAYSTIRAN HALKAN AKHRISO…

Golaha_Xukuumadda Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, Soomaaliya

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *