Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Dhegeyso: QISADA IYO GABAYGA GODOBTII BAARLIIN IYO GOGOL XAADH

Hordhac:

Gabayga Godobtii Baarliin iyo Gogol-Xaadh waxa tiriyey Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle(Abwaan Shiine). Wuxu ku saabsan yahay, hadimadii gumaystayaasha reer Yurub ka galeen dadka Soomaaliyeed Shirkii Baarliin 1884-tii ka qabsoomay, kaa soo geyiga Soomaaliyeed loogu kala qaybiyey 5 qaybood: Italian Somaliland, British Somaliland, NFD, Ogaden, Djibouti, iyo weliba Jasiiradda Socotra oo 80km dhul-weynaha Soomaaliya ka durugsan, xeeblayda Soomaaliyeedna manaafacaadsan jireen qarniyo badan. Gabaygu wuxu ka hadlayaa sida, gumeystayaashii, ka sokow kala qaybinta dalkeenna, ayni qaybihii ka xoroobey, helin xornimo taam ah, ee weli hagardaamadii oo si kale loo dhigay weli socoto–Afrika guud ahaanna gumaystayaashii iyagoo qaabkii gumeysiga beddeley, kursiga dal walba gadaal ka fadhiyaan.

Wuxu gabaygu ka hadlayaa sida gobannimo doonkii Soomaaliya isu soo dabayaaley, haddana markii dambe labadii qaybood: waqooyi iyo koonfur ee July 01, 1960 ku midoobey Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee dhalatay, ay jireen cillado dhanka Soomaalida ah iyo mid gumeystuhu weli ugu dabinno dhigayey oo keentay burburkii Qarankii Soomaaliyeed.

Dhibaatooyinkii jabhadaha iyo dagaalladii sokeeye cawaaqibkii ka dhashay ayuu gabaygu yoolka saarayaa; wuxu abwaanku ku gunaanadayaa in midnimo iyo wadajir lagaga bixi karo dhibaatada ummadda iyo qaranka Soomaaliyeed ku habsatey kaga bixi karaan.

Dawladaha gaboobee adduun amarkii soo gooya

Qarannimo ku guumoobayee gaadhay libintooda

Ragbaw goostay geeddiga halkay sahan ku geeyeene

Ummad teedii garan weydayoo gaabisaa badane

Afrikada gumeystihii qabsaday rarayey guudkooda

Qarni lagama soo goodin weli gabadintuu yaale

Gaadiidsigii baa ged kale loo gunaanadaye

Gelinkooda waa kaa fadhiya iyo gadaashoode

Hayeeshee xornimo geylankii guulo lagu hoye

Halgankii darwiishkiyo kolkaan gaala leged qaadnay

Goobtii Jidbaaliyo wixii Ruugga lagu goostay

Korfield guutadiisii raggii gawraca u geystey

Inkastoo la garab naafiyoo laga gol roonaadey

Geyigaa dabkii gobannimadu kama gamaarayne

Geylankii SYL kacshiyo gebi ha noolaato

Gaashaandhig iyo buu ahaa qaran golayntiise

Lixdankii gadoodkii dhecee guusha lagu taabay

Gobannimo kolkay qaadatee calanka loo giijey

Soomaalida garaadku uma korin Giib kolkuu tegaye

Iyadoon gelgelintii ka kicin baa la gaasiraye

Gudirida cadaawuhu waqeed uma gargaarayne

Gallad dawladnimo lalama rabin waxay ku gaadhaaye

Guuldarradiyo hoog waxaw horkacay godobtii Baarliine

Goonlaha libaaxii calfaday maydhaqyada gooyey

Gumaystuhu sirtuu soo guntee galabba heer joogtey

Guluf iyo colaad gaabiyoo gaadhey gudeheeda

Goldalooladeedoo badnayd bay ku geeridaye

Gabbalkii madoobaa kolkuu gebiba saameeyey

Jabhad gawraceed gaalibaan laga geyoonaynin

Waatay godkii loo nashiray gebi ka tuureene

Gadaasheed tarkii kacay qaxiyo gebewer dheeraaday

Guutooyin diin wayraxoo miino wada gaatey

Gumaadiyo colaad gebageboo laga gun gaadhaynin

Iyo gaala duullaana oon gaban yar dhaafaynin

Maantaa hubaal gaanba gaan lagu garaacaaye

Qolaqoladii loo kala gaday weli u guuxdaaye

Mas gurguurta good iyo abees halaq wax gaadaaya

Iyo mici gababaarbaa fadhiya Xamar godkeediiye

Gobolkii Waqooyiga Galbeed goosataa tubane

Sool iyo Sanaag waa go’doon gaadhku qaybsadaye

Gungumaa fadhiya geesta Bari Gaalkacyiyo Ayle

Garoowaa gafane iyo qaniin guri ku yeesheene

Goballadii dhexaa loo jarjaray garabyo beeleede

Hiiraan gurboodkeedibaa haadku gigayaaye

Gosha Jawhar maydbaa gebradey gorofsanoo yaale

Baydhabiyo Godankii Bakool gaasas baa degaye

Guutooyinbaa galay Markoo gooyey shacabkiiye

Gudihii Kismaanyiyo Geday guul darradu taale

Bu’aale iyo Saakow gablame gees fayow malehe

Qayrkeed ma gaadhooy haddaa gobollo loo qaybshey

Afartaa gorfeeyee waxaan garab ka raacsiiyey

Geesigi hadduu ciidmo oo guluf u heensaysto

Damiirkii aan geeryoon hadduu garasha qoodaysto

Intaan layna kala geyn markale taa haddaan garanno

Hadday qaran u gogol xaadho oo golaha loo waabo

Haddii lays garwaaqsado maruun ceebta laga giirto

Garabyadu midoobaan rajaa soo gadaal noqone

Nimaan taa garaadayn gunnimo waw gudboontahaye

Godkiisay biyuhu ugu geliyoo, geeri waw wehele

Intaan qolaba gaar lagu gembiyin go’e ka maansooday

WT. Maxamuud Axmed Cabdalle (Abwaan Shiine)

Email: mabdalle@gmail.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *