Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo ku hawlan inuu markale dhexdhexaadiyo colaadda gobolka Mudug

Raysal wasaaraha Soomaaliya Cumar cabdirashid Cali Sharma’arke Iyo wafdi Uu Hogaaminayo Ayaa Lagu wadaa Inay tagana Magaaladda Galkacayo,Kadib dagaalo xoogan oo halkaasi ka Soconayey Maal mahani ugu danbeeyey.

Wararka waxay Sheegayaan Inuu Raysal wasaaraha Soomaaliya Cumar cabdirashid Cali Sharma’arke Uu tagayo magaaladda Cadaado ,waxaana Kadib Uu uga Gudbayaa Magaaladda Galkacayo,Isagoona Booqanaya Goobaha Dagaalada Ka Dhaceen Galkacayo.

Sidoo kale waxa Uu Tagaya Goobaha Ciidamada Joogaan kadib markii Ay Soo baxday Inay Ciidamada Dowlada Qaar ka Tirsani Puntland ku edaysay Inay Hubka Galkacaypo Iyagu Qeyb ka yahiin ,Ayna Puntland la Dagaalamayaan Wakhtigani.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Cumar cabdirashid Cali Sharma’arke Waxa uU Kula Kulmayaa Magaaladda Gaalkacayo madaxda Puntland Sidoo Kale Cadaado Ayaa Lagu wadaa INuu Kula Kulmo madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Waxa Uu Horay Qeyb Uga Ahaa Hesghiis KMG Ahaa Oo wada Gaadheen Galmudug Iyo Puntland kaasi oo Dhawaan Bur Buray,waxaana Mar kale Uu tagayaa Raysal wasaaraha Goobaha Dhismaha ka Socdaan Galkacayo Iyo Ciidamada Puntland sheegtay Inay yahiin Kuwa Dowlada.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *