Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

WARAYSI DR. UDUB MUKHTAAR SIIYEY GOLAHA1960 UU KAGA HADLAY SIYAASADDA GEESKA AFRIKA

Golaha1960 ayaa waraysi la yeeshay xeeldheere, siyaasi mug iyo miisaan ku leh Soomaalida, waa Dr. Udub Mukhtaar oo waraysi qotodheer kaga hadlay dabaylaha isbeddelka siyaasadeed ee ka aloosan Geeska Afrika, siiba Ethiopia, Somalia iyo guud ahaan waddammada gobolka.

Sida aad waraysiga ku maqli doontid, Dr. Udub wuxu ku dheeraaday saamaynta isbeddellada siyaasadeed ee ka curtay dalka Itoobiya ku yeelaan karaan gobolka Soomaalida iyo Soomaaliya guud ahaan. Siyaasadahaas oo Dr. Abiy Axmed iyo kooxdiisu hagayaan ayuu ku macneeyey kuwa aan laga hor degi karin ugu horrayn, lana ogeyn meelay saldhigan doonaan. Wuxu kaloo geesta kaga daabay, in ay horseedi karto furfuran dimuqraadiyadeed oo ka dhasha Itoobiya.

Wuxu kaloo ka hadlay, xukuumadda Soomaaliya dawrkeeda ay gabtay, ducfiga maammulka iyo AMISOM. Dhegahaaga kaga dhereg, dhegeyso!

Waraysiga waxa Golaha1960 u qaaday Maxamuud Axmed Cabdalle (Abwaanka)

Golaha1960 with Arrimaha.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *