Taliye ku-xigeenkii hore ee Saadka Militeriga oo goordhow lagu dilay Muqdisho
|War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ay dileen Taliye ku-xigeenkii hore ee Saadka Militeriga Janaraale C/llahi Qururux.
Dilka Taliye ku-xigeenkii hore ee Saadka ayaa ka dhacay degmada Waaberi, gaar ahaan albaabka Masjidka Al-Iman oo ku dhow Xarunta Degmada.
Sida laga soo xigtay goobjoogayaal dilka ayaa waxaa fuliyay laba dhalinyaro oo ku hubeysnaa bastoolado xili uu Taliye ku-xigeenka kasoo baxay Masjidka oo uu kusoo dukanaayay Salaada cisho.
Taliye ku-xigeenka ayaa waxaa lala dilay hal Askari oo ilaalo u ahaa, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday maleeshiyaadkii dilka geystay.