Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Al-shabaab oo la wareegay gacan ku heynta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta gelinkii danbe weerar qorsheeysan ku qaadaay ciidamo ka tirsan Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Ceelwaaq, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal xooggan.

Xoogagga Al-shabaab oo la sheegay in ay aad u hubeeysnaayeen islamarkaana ay wateen gaadid dagaal oo tiro badan ayaa la sheegay in ay magaalada kasoo weerareen dhowr jiho, ayadoo ugu danbeyntiina ay u suurogashay in ay la wareegaan gacan ku heynta degmadaasi.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan labada dhinac oo faahfaahin ka bixiyay weerarka.

Goobjooge ku sugan degmada Ceelwaaq oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay ayaa isagoo codsaday in aan magaciisa la xigan sababo dhanka amniga ah inoo sheegay in magaalada ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Al-shabaab, islamarkaana ciidamadii ku sugnaa ay isaga baxeen.

“Magaalada Al-shabaab ayaa gacanta ku haya, Galabta abaare 5:00 galabnimo ayay la wareegeen,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Degmada Ceelwaaq ayaa waxaa hore ugu sugnaa ciidamo ka tirsan Jubaland iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya, mana jiraan ciidamo ka tirsan AMISOM oo halkaasi jooga. Al-shabaab ayaa marar badan weerar ku qaaday, balse uma suurogalin in ay la wareegaan, haseyeeshee maanta gelinkii danbe ayay ku guuleysteen in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan kadib dagaal xooggan oo oo dhexmaray iyaga iyo ciidamadii ku sugnaa magaalada. – See more at: http://www.hiiraan.com/news/2016/Sept/wararka_maanta16-107597.htm#sthash.lxSPNXrJ.dpuf

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *