Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

War Deg Deg Ah :Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan meel aad ugu dhaw Isbitaalka Daaru Shifaa oo kuyaala Daarta Taree Biyaano.

Sida aan Wararka ku heleyno gaari yar oo nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay afaafka hore ee Maqaaada Zeytuun oo ku dhegan Isbitaalka Daaru Shifaa ee laamiga Maka Al Mukarama,

Qaraxn waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay durba gaaray Ciidamo katirsan dowlada kuwaa oo laamiga xiray una gurmanaya dadkii waxyeeladu soo gaartay.

Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa aheed goob aad u mashquul badan ayna dad badan fadhiistaan xiliyada habeenkii, waxaana wararka hurudhaca ah ee soo baxaa sheegayaan in qaraxan waxeelo kasoo gaartaydad badan oo shacab ah.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *