Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Waraysi: Afhayeenka Ururka Waqooyi Bari Soomaaliya(UWB), Eng. Amiin Cabdiraxmaan Siciid

November 10, 2017 (Arrimaha.com) Waraysi ayaan la yeelannay Afhayeenka Ururka Waqooyi Bari, Soomaaliya(UWB), Eng. Amiin Cabdiraxmaan Siciid. Amiin oo nagala soo xiriiray magaalada Minneapolis, Minnesota ee Maraykanka, ayaa wuxuu ka hadlay shaqaaqooyin laga soo sheegayo deegaanno Gobollada Sanaag iyo Haylaan ka mid ah, kuwaas oo ay ka dambeeyeen sanaadiiq doorasho oo Somaliland rabto inay geyso degaannadaas, oo shacabka deggani aad uga soo horjeedaan inay ka qayb noqdaan doorashadaas dalka iskiis isu magcaabay ee Somaliland ku doonayo inay caalamka u sheegaan in dhulkaas doorashooyin maammulka Siilaanyo lagu taageersan yahay ka qabsoomeen.

Waraysiga oo ah mid aad u xiisa badan oo dhinacya badan taabanaya, ayaa Eng. Amiin ku faahfaahniyaa dareenka shacabka degaannadaas iyo maammulka uu afkooda ku hadlayo waxa ay ka aamminsan yihiin dhaqdhaqaaqyadaas.

Waxaad waraysiga ka dhegeysan kartaan boggan Arrimaha.com oo kuu sahlay inaad xogo badan oo gobolladaas, guud ahaan Soomaaliya iyo caalamkama aan idiin ka soo tebinno.

Arrimaha.com NewsDesk

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *