Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Madaxweyne Farmaajo iyo socdaalkiisa Puntland?

Madaxweynaha Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho taariikhiya ku tegey deegaannada Puntland ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo horay wefdi uu hoggaaminaya wasiirkiisa Qorshaynta Qaranka, Jamaal Maxamed Xasan, gobolka Sanaag, ayaad mooddaa inuu socdaalkiisu soo dhaafi doonin waddada laamiga ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadey inuu booqdo waddada laga dhisayo Ceeldaahir- Ceerigaabo oo dhacda Gobolka Sanaag, laakiin arrintaas ayaan muuqan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u sheegtay oday nabadeed, ayaad mooddaa inuu ka baaqsaday inuu falal geesinnimo ah ku tallaabsado. Sidaa dad khubaro ahi ka faalloodeen, haddii Farmaajo tegi waayo goob Sanaag ama Sool ka mida, socdaalkiisii taarikhiga ahaa wuxu u muuqan doonaa mid kala dhiman oon dhammays tirnayn.

Sida la ogyahay maammulka Goonni u goosatada ayaa soo weeraray degmada Tukarraq oo 75km u jirta magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ee Garoowe. Weerarkaas ay ku qabsadeen ciidammada Somaliland ayaa loo arkaa in lagu carqaladaynayey booqashadii Madaxweyne Farmaajo ku tegey Puntand.

Arrimaha.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *