Deg Deg Shir Lagaga Tashanayo Shirkada Asli Maydi Oo Badhan Ka Socda
Deg Deg Shir Lagaga Tashanayo Shirkada Asli Maydi Oo Badhan Ka Socda
Buurta Calmadow Ee Gobolka Sanaag Ayaa iyadu ah Mid Illahay Ku Manaystay Khayraadka Dabiiciga ah Ee Beeyada iyo Macdanta ,Buurtani Illahay Hodonka Kaga Dhigay Khayraadka Beeyada Ayaa mudooyinkii UDanbeeyayba Waxa Si Sharci Daro ah Uga Ganacsaneysay Shirkada asli MAydi Oo Beeyada Dhaafsiisanaysay Shilmaad Aan u Qalmin Geedkaasi Qaaliga ah .Dhibaatadaa Shirkadaasi Ay Deganadaa Ku Haysay Oo Mudooyinkii U danbeeyay Bulshada Degankaasi Ay Ku Jireen Shir ay Kaga Arin Saneyeen Shirkada Ku Sifowday Boobka iyo Dhaca Khayraadka Degaankaasi
Mid Ka Mida isimada Degaankaasi Ee Shirka Hogaaminaysay Uu Warbaahinta U Sheegay In Shirkada Asli Maydi Ay Dooneyso Inay Cidhib Tirto Geedkani Buurtan Illahay Ku Manaystay Taasina aanay Yeeleen Shacabka Degaankaasi Sidoo Kale Isimkan Oo Codsaday inaan inta Shirku Dhamaanayo Aan La Shaacin Magaciisa AyaA Sheegay In Odayaal Kasoo Jeeda Mandaqadan Ay Ka Mid Yihiin Odayaal Shaqaale U Ah Shirkada Asli Maydi Oo Hada Ku Sugan Magaalada Hargaysa Aanay Ahayn Dad Matali Kara MAsiirka Beeyeysatada Calmadow ,Isimkan Oo Hadalkiisa Sii Wata ayaa Shabakada U Sheegay In Wiigan Gudhiisa Ay Saxaafada Usoo Bandhigayaan Qodobada laga soo saaro shirkaa lagaga arin sanayo Shirkada Xaalufinta ku wada Beeyada Gobolka Sanaag .
Waxgaradka waayeelka iyo odayaal Dhaqameedkani Oo Shirku Uga Socdo Magaalada Badhan Ayaa la Filayaa In Uu Usoo Xidhmo Maalmaha Soo Socda Sida Uu Noo Sheegay Isimkani Warbaahinta Lasoo Xidhiidhay
Related Posts
-
Al-shabaab oo la wareegay gacan ku heynta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo
No Comments | Sep 16, 2016 -
Ciidammada Djibouti ee AMISOM Beledweyne oo qarax weyn lala beegsaday
No Comments | Oct 25, 2016 -
António Guterres set to be sworn in as next UN Secretary-General
No Comments | Dec 12, 2016 -
War Deg Deg Ah :Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya
No Comments | Aug 4, 2017