Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Masjid ay Soomaali Maamusho oo Maraykanka lagu qarxiyey

Bam ayaa xiliga Maraykanka ee salaada subax lagu weeraray Masjidka Darul Faruq oo ku yaalla magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota.

Qaraxa ka dib ayaa ciidamo faro badan oo boolis ah waxay gaareen masjidka saakay Bamka lagu weeraray, iyagoo halkaas ka wada baaritaano.

Waxaa Bamkan lala eegtay xafiiska ama xarunta Sheekh Waliid oo ah Imaamka masjidka, hasse ahaatee lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay

Weli ma jiro wax faahfaahin ah oo ay saraakiisha amniga ka soo saareen weerarkan Bambaano ee lagu qaaday masjidka Darul faruq oo jameecada ku tukata ay ka mid yihiin dad fara badan oo Soomaali ah.

Weerarada salka ku haya islaam naceybka ayaa ku sii kordhayey dalka maraykanka tan iyo markii xilka Madaxweynaha dalkaas loo doortay Donald Trump oo intii uu ku jiray oloihiisa doorashada sameeyey balan-qaadyo ka dhan ah muslimiinta.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *