Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Ciidammada Djibouti ee AMISOM Beledweyne oo qarax weyn lala beegsaday

Inkastoo, Weli aysan Sahlaneyn in Khasaarihii ka dhashay Weerarkii maanta lagu beegsaday saldhigga ciidamada Jabuuti ee Beledweyne, la ogaado ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya faah faahinno hor dhac ah.
Weerarkan oo ahaa midkii ugu cuslaa ee lagu beeegsday ciidanka AMISOM ee hawl-gala magaalada Beledweyne ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen Saddex Askari oo ka tirsan ciidammada Jabuuti, halka tiro kale oo intaa ka badanna ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, Weerarkan waxaa fuliyay Baabuur UD ah oo dusha sare laga soo saaray bal ay Cunaan Xoolaha, waxayna Goob-joogayaal ah sheegeen in ka hor inta uusan qaraxu dhicin saacado badan uu Goobta ku sugnaa Baabuurkan oo ay dadka qaar u qaateen mid lagu Dul iibinayo calafka ay xoolaha cunaan.

Dhimashada rayidka, ayaa ilaa iyo hadda inta la ogyahay lagu warramayaa in ay gaarayaan saddex ruux, halka dadka kalana ay soo gaareen dhawacyo kala gadisan.

Dhawaaqa Qaraxaaan , ayaa Gil-gilay inta badan Xaafadaha magaalada ay ka kooban tahay waxaana ruux walba oo shacabka ka mid ah ay la noqotay in qaraxu uu ka dhacay meel aan isagaba ka fogeyn.

Ugu dambeyntii, Xaaladda ayaa deggen, waxaana jira howlgal ay sameynayaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *