Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

DAAWO: Madaxweyne Biixi oo loo jeediyey inuu deg deg isku Casilo (Wareysigii Wasiirka Imaaraadka oo Sir fashilay)

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa afka furtay, isagoo dhaliil kulul u jeediyay xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi, xukuumadii hore ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xisbiga Kulmiye.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed Cabdillahi (Cabdiraxmaan Ciro) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa ugu baaqay inuu is casilo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, lana qabto doorashooyin cusub.

C/raxmaan Cirro ayaa yiri: “Siilaanyo Hog madow ayuu ku riday Somaliland Muuse-na ciiduu ku sii rogay..” waxayna arrintan ka danbeysan markii wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka uu sheegay inuusan aqoonsaneyn Somaliland, isla markaana aysan xitaa Qunsuliyad ku lahayn Hargeysa, iyadoo ay heshiiska Berbera ay ogolaatay dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa qarxisay xiisad siyaasadeed oo Somaliland ka qaraxday, wuxuuna Guddoomiye Cirro si weyn uga hadlay xaaladda Somaliland.

Arrimaha News

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *