Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Saleebaan Cali Koore maxaa ka yaal Badhan iyo Hadaaftimo?

Dhowaan waxa shaashadaha layska arko sida Youtube iyo kuwa kale ka soo muuqday Wasiirka Biyiha ee Maammulka iskii isu magcaabay ee Somaliland, kaasoo ku andacooday inuu usbuuc ka dib tegi doono Badhan iyo Hadaaftimo. Hadalkiisa ayaa u badnaa calaacal iyo aflagaaddo ku aaddan niman ay isku beel yihiin oo beeshoodu u taqaanno Horgalayaal–kuwaasoo ku muransan ciddii u shaqayn lahayd Muuse Biixi Dameer iyo xukunkiisa.

Saleebaan Cali Koore oo loo yaqaan ‘Saleebaan Dhuxulle’ waa kee? Waa nin caynkee ah? Su’aalahaa haddaan ka jawaabo, Saleebaan waa nin ka soo jeeda Degamada Taleex ee Gobolka Sool ee Soomaaliya. Waa ninkii gacan geliyey magaalada Taleex oo goonni u goosatada Somaliland ku wareejiyey magaaladaas iyo tuulooyin badan oo hoos taga sida Tukaraq oo dhowaan maammulkaasi la wareegeen. Wuxu sababay dhimashada dad badan oo ay ehel ahaayeen, si uu nolol uga helo kaabbayaashiisa Hargeysa xadhiga ugu haya. Wuxu ku caan yahay shakhsi xishoodku ku yar yahay, oo ugu dhiirran reer tolkii iyo kuway xigtada yihiin. Waa nin isu dhiibey qolada uu martida u yahay, wuxuna ka mid yahay hoogayaashii dadkiisa iyo dalkiisa u gacan geliyey cadawgooda.

Saleebaan taariikh hore ayuu leeyahay. Wuxu masuul ka ahaa gubidda iyo ka ganacsiga geedaha dhaadheer ee dhuxusha laga gubo. Soolasha ku yaal inta ka dhexaysa Taleex, Sarmaanyo, Dhahar iyo Baraagaha Qol, waa ninka dhirtii ka idleeyey. Kooxdii uu hoggaamin jirey ee dhuxulaysatada waa kuwii Ciidanka Ilaalada Degaanka ee Degmada Dhahar, ka dileen 5 ilaa 6 lix ka mida malayshiyadii uu hoggaamin jirey. Waa nin ciil qaba oo u socda fidno abuur iyo iska horkeen. Badhan iyo Hadaaftimo ha ku hadaaqee haddaba cag ma soo dhigi karaa?

Sida la ogyahay Badhan iyo Hadaaftimo iyo badi gobollada Sanaag iyo Sool iyo Buuhoodle kuma abtirsadaan maammulka taagta daran ee Muuse Biixi Dameer iyo SNM gadhwadeennada ka yihiin. Mid shakhsiyaddiisii iyo sharaftii iyo magacii dadkiisa ku beddeshey shilimaad, sida Saleebaan Cali Koore, ma tegi karo, hadduu tagana waa indha adayg iyo jar iska xoornimo.

Warbaahinta Arrimaha.com waxa soo gaadhey akhbaar sheegaysa in Saleebaan Dhuxulayste loo wado in lagu maqaar saaro Wasaaradda Gaashaandhig ku sheegga ee Somaliland, si uu riyadoodii dal durugsiga ahayd ee Sool lagu hantay, loogu lug fidiyo dhanka Gobolka Sanaag, taasoo aan marnaba suurta gal noqon doonin. Geyigu waa Soomaaliya, dadkuna waa Soomaali. Calankii Soomaaliyeed baa ka babbanaya Badhan iyo Hadaaftimo. Dhowaan markii Wasiir Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Qorshaynta ee Dawladda Fadaraalka ah ee Soomaaliya, tegey dhulkaas, waa la ogaa damaashaadkii iyo soo dhoweyntii ka dhacday.

Gebagebo, Saleebaan waxan kula talin lahaa inuu ka shaqeeyo danta xaafaddiisa, oo ciidammada maatida iyo danyarta Taleex ku baada tuulooyinka iyo miyigaba, ka dul qaado. Ilaahay baa irsiqa bixiya, magacuna waa duug! Horaa loo yiri.

Yaxye Caamir, Faaliyaha Shabakadda Arrimaha.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *