Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Dr Xasan Cali Mire :Mariya Xeerkeeda (Alle Ha U Naxariisto Saakuu Ohio/USA Ku Geeriyooday)

Mariya Xeerkeeda

Miyir nin waayay iyo nimaan, madax xanuunaynnin
Hadday maan isdhaafaan asay, xaajo murugooto,
Murtideeda idinkaa yiqiin, madasha geedkiiye,
Maqaawiirta Soomaaliyey, mariya xeerkeeda!

Musuq kii abuuriyo nimaan, maro ka soo gaarin
Hadday muran is jiiraan sidii, marinka toosnaaye,
Murtideeda idinkaa yiqiin, madasha geedkiiye,
Maqaawiirta Soomaaliyey, mariya xeerkeeda!

Ninkii maagga doortiyo ninkii, nabad u maansooday
Midkood uun bay labada ruux, mahadi raacdaaye,
Murtideeda idinkaa yiqiin, madasha geedkiiye,
Maqaawiirta Soomaaliyey, mariya xeerkeeda!

Murwadiyo xishoodkeedu waa, kalama maarmaane
Maamuuskoodii dile markay, murux u rooraane,
Murtideeda idinkaa yiqiin, madasha geedkiiye,
Maqaawiirta Soomaaliyey, mariya xeerkeeda!

Nin marqaanku waalliyo nimaan, miirow wali taaban
Maammulkii u kala roon iyo, mudanka hawlleede,
Murtideeda idinkaa yiqiin, madasha geedkiiye,
Maqaawiirta Soomaaliyey, mariya xeerkeeda!

Masannimo ninkii diidayoo, muruq ku noolaaday
Iyo malloolliga hurdee oo, macashu weynaatay,
Murtideeda idinkaa yiqiin, madasha geedkiiye,
Maqaawiirta Soomaaliyey, mariya xeerkeeda!

Macaluul ninkii u diley dhammaan, magaca Soomaali
Oo misna maragga loogu furay, malab inuu keeney,
Murtideeda idinkaa yiqiin, madasha geedkiiye,
Maqaawiirta Soomaaliyey, mariya xeerkeeda!

Maahmaah la maaliyo ninkii, moosay hadalkiiba
Meel dheer iyo ninkii u dhigey, moodkii nala siiyey
Malabsiga sooreed iyo ninkii, murugna noo diidey
Maato iyo oday iyo ninkii, maqasha laynaayay;

Murug iyo ninkii reer walbaa, miilaha u geeystey
Dhac maal qaran iyo ninkii u heley, marantiduu doono
Maalin iyo habeen iyo ninkii, loo mashxaradaayay
In midiidin loo yahay iyo ninkay, muhatay laabtiisu;

Ninkii marada naga tuurayoo, murux na soo taagay
Mareeg adag ninkii ku xirey, mudanayaasheenna
Mas cartamay sidiisii ninkii, noogu miranaayay
Moolkii aqoon-xumo ninkii, talo ku maareeyey;

Mugdi inuu lumi iyo ninkii, maluhu siin waayay
Magool sooma baxo haddii aan, mayay soo di’ine
Maangaab hadduu taliyo buu, mooradduug imane
Meecaad gob baa loo ogaa, gunise waa mooge.

Haddii aan magliga loola tegin, laguna miidaamin
Muluq iyo murjuc iyo wuxuu marin, mululka naagoode,
Muuq waxaan arkay iyo wixii, maqal i soo gaaray
Maroor wuxuu dhigey haddaan, idin mihiibsiiyey,
Murtideeda idinkaa yiqiin, madasha geedkiiye
Maqaawiirta Soomaaliyey, mariya xeerkeeda!

Dr. Xasan Cali Mire 1984

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *