Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Doorashada Soomaaliya oo markale dib loo dhigay

Muqdisho (LN) Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban, Mudane Cumar Cabdulle Dhageey oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in mudo bil ah dib loo dhigay doorashooyinka dalka.

Mudane Cumar Cabdulle Dhageey ayaa sheegay in doorashada madaxtinimo ee dalka la qaban doono Sodonka Bisha November halka doorashada labada aqal iyana la qaban doono isla bishaas gudaheeda.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dib udhaca doorashada ay sabab u aheed arimo la xiriira dhaqaalaha doorashooyinka dalka oo aanan wali la helin iyo arimo kale oo aad u farabadan.
SONNA

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *