Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

DEG DEG : Gudoomiye Jawaari Oo Ku Guuleystey Kursiga BFS ee Aqalka Hoose

Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ku guuleystay doorashadii aqalka hoose, isagoo helay codod dhan 45 cod, halka Musharaxii kale ee la tartmayay uu helay C/raxmaan Sheekh Ibraahim 5 cod.

Jawaari ayaa sidaas ku helay kursiga Xildhibaanada ee Aqalka hoose, waxayna tani ka dhigan tahay in damaca Shariif Xasan ee uu ku doonayo inuu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay meesha ka baxdo, maadaama Jawaari uu mar kale u taagan tahay xilka Guddoomiyaha Baarlamanka.

Sidoo kale waxaa Xildhibaanada Aqalka hoose ku soo baxay Xildhibaanad Fowziyo Sheekh Maxamed iyo Ibraahim Isaaq Yarow oo musharaxii la tartamayay oo aheyd Haweeney ay tanaasushay.

Sideed Kursi oo ah Xildhibaanada Aqalka hoose ayaa maanta lagu dooranaya magaalada Baydhabo, waxaana kursi walba u tartamaya labo illaa saddex musharax oo hal beel ka soo kala jeeda.

Dad badan ayaa isha ku hayay kursiga Xildhibaanimo ee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, maadaama Shariif xasan uu dadaal badan ku bixinayay, sidii aanu ugu guuleysan laheyn, maadaama uu ka cabsi qabo inuu isku soo sharaxo mar kale xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *