Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Faadumo Qaasim Dhayib oo laga saaray Guddiga A. Doorashada Madaxweynaha , Waa maxay Sababta?

Faadumo Qaasim Dhayib oo la hadashay Idaacadda Goobjoog oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdisho ayaa ka warrantey sida ay u aragto sababta liiska looga saarey“Sababta Liiska la iiga saarey, waxaan u arkaa iney xoojineyso wal-wal-ka ay murashaxiinta iyo shacabka ka qabaan doorashada oo ah in doorashada u dhacdo ama in la yeelo sida dad qaar ay rabaan”

Faadumo oo sii hadleysa waxaa ay intaa ku dartey“Aniga keliya sababta 9-ka qof la iiga dhex saaray, waxaam is leeyahay waxaa la arkey in codkeyga dheer yahay, in doorashada aan ka dhigi doono mid hufan, In aan la ii gadan Karin oo an la ii aamnusin Karin”

Dhinaca kale, waxaan la xiriirtey guddoonka baarlamaanka federaalka si arrintaas wax looga ogaado, guddoonka waxaa ay ka gaabsadeen in ka hadlaan.

Guddiga sida uu guddoomiyaha baarlamaanka sheegey 29-kii Janaayo waxaa loo dhisey hubinta habsami u socodka, daah furnaanta iyo bedqabka lagu hirgelinayo geedisocodka doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddigan waxaa sidoo kale la doonayaa iney la xisaabtamaan baarlamaanka iyo guddiga doorashada madaxweynaha,

Liiska xubnihiisa waxaa ay ahaayeen sidan:

Faadumo Qaasim Dhayid, Cabdi Axmed Maxamed Baafo, Shamso ibraahim Booliis, Rooble Axmed Daahir, Faadumo Jaamac Jibril, Cabdi Ismaaciil Samatar, Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Aden Xasan Cabdi iyo Cabdulahi Maxamed Shirwac.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *