Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Saraakiisha ciidamada Jubaland iyo masuuliyiin sare oo deeq gaarsiiyay Cabdalla Biroole[Sawirro]

digg icon delicious icon

Xili Dadka ku nool Deegaanada dhaca galbeedka Kismaayo oo ay dhawaan gaareen Ciidamada Jubaland ayna  wali heysato Xaalad aad uxun, ayaa waxaa halkaas kormeer  ku tagay taliyaha dugsiga 43-aad Gen. Ismaaciil Saxardiid,lataliyaha madaxweynaha Maxamed Cabdinuur,Saraakiil Ciidan,qaar kamid ah Haweenka Jubaland iyo Musharax Dool Mahad Salaad oo kamid ah musharaxiinta xildhibaanada qaranka.

Waa Maalinkii Afaraad ee ay biyo iyo raashin fudud ay Ciidamada Jubaland iyo kuwa Xooga dalka Somalia ay gaarsiinayaan dadka reer Miyiga ah ee kunool dhamaan deegaanada ku teedsan Cabdalla Biroole ilaa Kismaayo.

Musharax Dool Mahad Salaad, Haweeynka Jubaland iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo qeyb ka ahaa wafdiga Gen Ismaaciil Saxardiid ayaa baaq u diray Shacabka Jubaland qeybihiisa kale duwan, dowladda Jubaland iyo hay’adaha samafalka in ay gurmad u fidiyaan dadka ay go’doomiyeen maleeyshiyaadka Al-shabaab ee ku dhaqan deegaanada dhawaan laga xoreeyay ee galbeedka gobolka J/hoose.

Dool ayaa ugu baaqay qurbajoogta reer Jubaland in ay usoo gurmadaan shacabkooda, isagoo xusay in uu aad uga naxay marka uu arkay xaaladda ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanka Cabdalla Biroole iyo deegaanada ku xeeran.

Dool ayaa gacan ka geystay deeqda isugu jirtay raashiinka iyo biyaha ee loo geeyay shacabka, isagoo sidoo kale goobta lacago ku gudoonsiiyay qaar kamid ah qoysaskii halkaas ku noolaa.

Jen. Ismaaciil Saxardiid oo warbaahinta kula hadlay goobtii raashiinka iyo biyaha lagu gaarsiinayay dadka reer Cabdalla Biroole ayaa sheegay in loo baahanayhay in shacabka iyo dowladda ay xoogga saaraan sidii loogu gurman lahaa shacabka ku dhibaateeysan deegaanada laga xoreeyo Shabaab, arrintaa oo uu sheegay in ay horseedi karto wada shaqeyn dhexmarta shacabka iyo dowladda iyo weliba in shacabku kusoo hirtaan deegaanada la xoreeyay ee ay nabaddu ka jirto.

Deegaanada u dhexeeyay Kismaayo ilaa Cabdalla Biroole ayaa marka aad ku socdaasho wadada waxa ay indhahaagu qabanayaan reer guuraa tiro badan oo beegsanaya goobaha ay ku suganyihiin ciidamada Jubaland si ay uga helaan deeqaha kala duwan ee ay halkaasi geeynayaan madaxda dowladda iyo bulshada kala duwan ee reer Jubaland.Hoos ka daawo sawirada.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *