Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

DHAGEYSO:Shacabka Muqdisho oo ka hadlaya dareenkooda Dacwadda badda ee u dhaxaysa Soomaaliya & Kenya

Shacabka Soomaaliyeed ee kunool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay dareenkooda ku saabsan dacwada Badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ka bilaabatay magaalada Hague ee dalka Holland.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah ugu rajeeyey Soomaaliya iney ku guuleysato dacwadda badda,Shacabka ayaa ugu baaqay Maxkamadda ICJ iney qaadato go’aan sax ah,Waxayna sheegeen in badda lagu muransan yahay ay tahay hanti ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa qaba walaac ku saabsan in Kenya ay si xaq darro ah ku qaadato Bad ay leedaha Soomaaliya,Waxaa laga dhursugayaa go’aanka kasoo baxa Maxkamadda ICJ oo dhagaysanaysa dooda labada dal.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *