Khasaaraha Weerar culus oo Al-shabaab ay ku Qaadday Magaalada AFMADOW
|Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen weerar ay Al-shabaab xalay ku beegsatay saldhig ay cidanka amniga maamulka Jubbaland ku leeyihiin gudaha Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamadii degmada Af-madow ku sugnaa iyo dagaal-yahannadii Al-shabaab ee Weeraray ayaa waxaa degmadaas ku dhexmaray dagaal socday saacado dhawr ah, sida ay xaqiijiyeen shacabka degmada ku nool.
Goob-joogayaal la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in labo ka mid ah saddexda ruux ee ku dhintay dagaalka ay ahaayeen ciidankii Jubbaland ee weerarka lagu qaaday, halka ruuxa kale ay ahayd Haweeney da’a ahayd oo haleeshay rasaastii ay dinacyadu is-dhaafsanayeen.
Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in Shanta Ruux ee ku dhaawacmay dagaalka ay isugu jira Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo shacab ku dhawaa halka uu dagaalkaani ka dhacay oo la sheegay inay ahayd Agagaarka Kawaanka Degmada Af-madow.
Al-shabaab ayaan weli la ogeyn khasaaraha dagaalka kasoo gaaray, marka laga soo tago in Mas’uuliyiinta Degmada Af-madow ay sheegeen inay Dagaalkaan ku dileen tiro ka mid ah xoogaggii Al-shabaab weerarka soo qaaday.
Dhanka kale, Shacabka Degmada Afmadow oo la hadlay VOA-da ayaa xusay in muddadii uu dagaalku socday ay dhinacyadu isku adeegsadeen hub kala duwan, iyadoo Wararku ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay markii dambe Duqeymo u geysteen Dagaal-yahannadii Al shabaab ee weerarka ku qaaday degmadaa.
Maamulka Jubbaland ayaa si toos ah uga hadlin dagaalkan iyo khasaarahiisa, iyadoo sidoo kale aysan Al-shabaab weli dhankeeda ka hadlin khasaaraha weerarka ay la beegsatay Af-madow kasoo gaaray xoogaggeeda.
Ugu dambeyn, Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay ka mid tahay deegaannada ay Al-shabaab go’doomiyeen, iyadoo Al-shabaab ay ka Taliso Deegaannada iyo tuulooyinka ku dhaw-dhaw Af-madow.
Internetska trgovina forcheapshops.news je elegantna muška i ženska odjeća vodećih modnih dizajnera u Rusiji i Francuskoj s dostavom u cijeloj zemlji. Imamo osnovne i originalne modele za svaki dan i za posebne prilike, za poslovne sastanke i aktivnosti na otvorenom. U trgovini forcheapshops.news možete kupiti artikle za svako godišnje doba. Svijetle boje, neobični otisci, originalni kroj, različiti stilovi omogućit će vam da izgledate spektakularno, privučete pozornost, stvorite vlastiti stil. Visoka kvaliteta po pristupačnoj cijeni – počastite se proizvodima popularnih brendova. frejmova i opreme prodavnica [url=https://forcheapshops.news/7_category]ministar unutraЕЎnjih pribor prodavnica[/url]