Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan J/hoose

Ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland, kuwa xoogga dalka iyo AMISOM oo is garabsanaya ayaa howlgallo ballaaran oo ay saaka ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Kismaayo ayay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Jubaland.

Ciidamadan isgarabsanaya oo ka ambabaxay deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo ayaa weerar ku qaaday fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Wirkooy, waxaana laba dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal xooggan oo laisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Afhayeenka laamaha amniga Jubaland Axmed Max’ed Max’uud (Axmed Carab) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in howlgalladaasi ay qeyb ka yihiin dadaallada ay wadaan ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda ee la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaanada Jubooyinka.

“Ciidamada Jubaland waxay saaka Al-shabaab ka saareen deegaanada Wirkooy, Baar-Zanguuni, iyo deegaanka Singaleer, Shabaab waxaan ka dilnay 7 Askari, annaga Alle mahadii wax khasaaro ah nama soo gaarin,” ayuu afhayeenku hadalkiisii raaciyay.

Xiisadahan kasoo cusbooonaaday waqooyiga gobolka J/hoose ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya AMISOM ay la wareegeen deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 60-km dhanka galbeed kaga beegan Kismaayo.
– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2016/Sept/wararka_maanta14-107566.htm#sthash.exdFxcUh.dpuf

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *