Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Ciidamadii ugu horreeyay oo ka tirsan kuwa AMISOM oo maanta la geeyay Magaalada Cadaado

Boqollaal oo ah ciidamadii ugu horreeyay oo ka tirsan kuwa Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta la geeyay degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud oo ah xarunta KMG ah ee Galmudug.

Ciidamadaan oo ka kala socda Dalalka Jabuuti iyo Burundi ayaa la sheegay in ay ka Qayb-qaadan doonaan sugdda amniga inta lagu jiro doorashada xubnaha Baarlamaanka Somalia oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo gobollada dalka oo dhan.

Sidoo kale, Afhayeenka Maamulka Galmudug, C/llaahi Xaashi Faarax oo Warhaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka la geeyay Cadaado ay sugi doonaan Amniga ergooyinka doorashada ka qayb-qaadanaya.

“Ciidamada ka socda AMISOM ee Cadaado la keenay, waa kuwo ka qayb-qaadan doona sugidda amniga magaalada inta ay socoto doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka maamulka Galmudug.

Dhanka kale, Afhayeenka ayaa intaas ku daray in ciidanka AMISOM ka tirsan ee la geeyay Cadaado ay tiradoodu dhan tahay boqollaal Askari, wuxuuna ku daray intaas in kuwo kale ay dhawaan gaari doonaan magaalada Cadaado.

Ugu dambeyn, Ciidamadan ka socda Midowga Afrika ee la geeyay Cadaado, ayaa waxay imaanayaa xilli dhawaan ay magaaladaas sodaal indho-indheyn ah ku tageen saraakiil ka tirsan AMISOM iyo Dowladda Somalia oo uu ku jiro taliyaha ciidamada Midowga Afrika, Jen. Cismaan Subagel.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *