Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

WARAYSI: ENG. CABDICASIIS XAAJI MAXAMED XUSEEN KAGA HADLAY MUSUQMAASUGA SAAMAYNTIISA SOOMAALIYA -GOLAHA1960

Eng. Cabdicasiis Xaaji Maxamed Xuseen ayaa si qota dheer u faahfaahiyey musuqmaasuqa ka jira Soomaaliya, musuqmaasuqaa oo sida uu sheegay salka ku haya nidaamka dawliga ah ama fadaraalka. Wuxu ku dheeraaday sida musuqmaasuqu ugu baahay qaybaha dawladda ee kala duwan: Siyaasadda, dhaqaalaha, horumarinta, degaanka. Wuxu si ba’an u dhaliilay siyaasadda Qarammada Midoobey iyo hay’adaha dalka ka hawlgala oo uu sheegay inay iyagu yihiin kuwa dhiirri gelinaya inaan Soomaaliya yeelan dawlad sal adag ku fadhida, musuqmaasuqana ay arkaan in Soomaaliya lagu kaantaroolo. Wuxu kaloo sheegay in habka fadaraalku marnaba ahayn mid Soomaaliya u keeni kara dawlad sharci ku dhisan, waa haddii dalku kusii jiro khalkhalka, dagaallada, ciidammada shisheeyey, iyo habka maammul goboleedka oo ah caqabad kala qaybineed oo curyaaminaysa awoodda dawladeed. Dhegahaaga ku maqal oo dhegeyso, ka dhegeyso hoos, sidoo kale www.arrimaha.com, bogga falanqaynta siyaasadda.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *