Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Waraysi: Mohamud Hussein Ege, African Development Bank-Golaha-1960

Dr. Maxamud Xuseen Cige, oo u shaqooya Bangiga Horumarinta Afrika ayaa tafaasiil dheer ka bixiyey guud ahaan sida baanku u shaqeeyo; mashaariicda horumarinta qaabka looga helo baanka, iyo weliba arrimaha deynta ku saabsan iyo shuruuduha ku xiran deyn qaadashada. Wuxu sheegay in Soomaaliya bangiyo badani lacag ku lahaayeen, isla markaana waxan ka caawinnaa buu yidhi in deynta Soomaaliya laga saamaxo. Mashaariic biyagelin, abaaraha, iyo guud ahaan dhanka gaarka ayuu sheegay in bangigu ka fuliyo Somaliland, Puntland iyo gobollo kale oo dhawra, ayuu yiri. Wuxu sheegay in Dr. Cabdiraxman Beyle, wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Soomaaliya, ayuu ku ammaanay sida hagar la’aanta ah ee uu u hirgeliyey mashaariic badan oo bangigu ka hayo Soomaaliya. Dhegeyso waa waraysi xiisa badan, waxan kaloo waraysigan ku baahinnay bogga Golaha1960.com.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *