Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Soomaali maxaa u haray: Keating iyo dhaqan xumadiisa

Wakiilka UN-ta Soomaaliya u qaabbilsan ayaa tegey magaalada Beledweyne ee badhtamaha Soomaaliya. Keating oo ah madaxweynaha qarsoon ee Soomaaliya ayaa booqday goobo ay ka mid yihiin sayladda xoolaha ee magaalada Beledweyne. Goob shir ka dhacay ayuu isagoo kelyaha ku haya dumarkii Soomaaliyeed kula hadlayaa hortooda.

Falfal xumada madaxda UN-ta iyo AMISOM waa mid ceeb ku ah umadda Soomaaliyeed sharafteeda. Bal ila daawo sawirradan qof damiir Soomaalinnimo ku jirto wuxuu u adkaysan karo ma tahay?

Dadka Soomaaliyeed waa mid aan xor ahayn, maalin maalinta ka dambaysa rajadiisu mugdi sii gelayso, waxana shisheeyaha ku gacan siinaya dad Soomaaliyeed oo damiir laawayaa ah.

Waxad kale oo sawirrada ku arki awooddiisa isaga oo warbixin ka qaadanaya sarkaal Xabashi ah, laba nin oo caddaan ahina barbar taagan yihiin. Soomaali maxaa u haray? Daawo!
michel-keating-oo-gaaray-baladweyne-hiilnews-6

michel-keating-oo-gaaray-baladweyne-hiilnews-8

michel-keating-oo-gaaray-baladweyne-hiilnews-11
Arrimaha.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *