Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Taliye Sare oo Al-Shabaab ahaa oo La Dilay

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in shalay Khamiistii galab gaabadkii ay dileen taliye sare oo ka tirsanaa xarakada Al-Shabaab deegaanka Aw-dheegle, gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada federaalka ah (SNA) ayaa la sheegay inay dileen taliyehaa sare ee Al-Shabaab hawlgal ay wada fuliyeen sida afhayeen AMISOM u hadlay oo lagu magacaabo Joe Kibet u sheegay wakaalada wararka ee Xinhua maanta.

Joe Kibet ayaa sheegay in ay dileen taliyahaa Al-Shabaabka oo lagu magacaabay Maxamed Xasan kaasoo heystay Al-Shabaabka dhanka Awdhegle, sida uu hadalka u dhigay.

“AMISOM iyo SNA waxay sidoo kale dhaawaceen xubno kale oo Al-Shabaab ah hubna waa soo qabteen ,” Kibet ayaa sidaa yiri.

Kibet hase ahaatee ma sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2016/Sept/wararka_maanta16-107595.htm#sthash.ddytSI4G.dpuf

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *