Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Waa Kuma Maxamuud Axmed Cabdalla?

Khibradda Shaqo iyo Aqooneed ee Murashaxa Xilka Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Cabdalla wuxu ku dhashay sannaddii 1968-kii Gobolka Sanaag. Yaraantiisii wuxu dugsi quraanka ka bilaabay magaalada Hargeysa. Dugsigii Hoose iyo Dhexe wuxu ku soo qaatay Caasimadda Gobolka Sanaag, Ceerigaabo. Wixii ka dambeeyey sannaddii 1983-kii wuxu u soo wareegay Magaalada Muqdisho, halkaas oo ka bilaabay fasalka 1aad ee Dugsiga Sare ee Muuse Galaal. Waxabarashada dugsiga sare wuxu dhammeeyey 1987-kii. Sannaddii 1989-kii wuxu galay Jaamacaddii Ummadda ee Lafoole, halkaas oo aanu ku raagin, ka dib markuu dalka uga dhoofay Dalka Pakistan oo uu Jaamacadda Beeraha ka bilaabay isla sannadkaa, Jaamacadda Faisalabad Agriculture University, Jaamacaddaa wuxu ka qalin jebiyey 1993-kii isagoo ka qaatay Shahaado afar sano ah (Bachelors of Science in Agriculture).

Sannaddii 1995-kii wuxu u soo wareegey Dalka Maraykanka, halkaas oo aqoontiisa ka sii watey. Wuxu galay Jaamacadda Franklin University sannaddii 1999-kii, wuxuna ka qalin jebiyey 2003-dii, isagoo ka bartay cilmiga Computers-ka (Bachelors in Information Technology). Sannaddii 2005-tii wuxuu Shahaadada Master-ka ka bilaabay Jaamacadda Colorado Technical University, isagoo ka qalin jebiyey 2008-dii kuna takhasusay Maaraynta iyo Maammulka Mashaariicda. Wuxu sidoo kale dhawr shahaado ku haystaa Tiknoolajiyada iyo Ganacsiga. Maxamuud Axmed Cabdalla wuxu hadda weli ku jiraa diyaarinta Shahaadada Phd-da oo aanu weli dhammays tirin.

Khibradda Shaqo:
Maxamamuud wuxu u shaqeeyey Shirkadda Fedex sannadihii 1998-1999. Sannadihii 2000 ilaa 2006-dii wuxu ka soo shaqeeyey Hay’ad gargaaraysay Soomaalida Ohio, USA oo la odhan jiray American Somali Association, oo uu ka soo noqday Madaxa Hay’adda, Maammulka Shaqaalaha iyo dejinta soo galootiga(immigrants resettlement).
Maxamuud wuxuu ka soo shaqeeyey Idaacadda Voice of America sannadihii 2007-2008-dii halkaas oo uu ka soo noqday tafatire dhanka tiknoolajiga ah. Ka dib wuxu u shaqeeyey Qaybta Waxbarashada Dugsiyada Seattle K1-K12 sannadihii 2009-kii ilaa 2011-kii. Laga soo bilaabo 2011-kii ilaa 2018-ka, wuxuu u shaqaynayey ATIS Technology Inc, oo ah shirkad gaar loo leeyahay, halkaas oo uu masuul ka yahay hab socodka shabakadaha shirkadda iyo adeegga macaamiisha. Maxamuud wuxu kale oo macallin ka yahay American Enrichment Schools, oo uu bare ka yahay dugsiyada gaarka loo leeyahay, waana bare tiknoolagiga iyo Injineeriyadda asaasiga ah.

Maxamuud muddo laba sano ah wuxuu sidoo kale madax ka ahaa Ururka Waqooyi Bari Soomaaliya(UWBS), oo ah urur siyaasi ah oo qurbajoog reer Puntland iyo Soomaali badani ku midoobeen, kaas oo loogu tala galay in lagu wacyi geliyo ummadda reer Puntland iyo Soomaalida guud ahaan, si loo gaadho isbeddel dhanka horumarka, dhaqaalaha iyo dawalad wanaagga ah.

Maxamuud waa xaasle leh laba carruur ah: wiil iyo gabadh. Waa abwaan suugaan baaxad leh tiriyey, waa qoraa ahna shakhsi Soomaalidu aad u taqaan.

Maxamuud waa Musharax u tartamaya Xilka Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland sannadda 2019-ka haddii Eebbe idmo, wuxuna shaaciyey murashaxnimadiisa 10/10/2018.

Mahadsanidin

Xasan Maxamuud Ciise – Madaxa Ololaha Doorashada Murashaxa
Email: hciise02@gmail.com
Phone: +447823550345

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *