Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Degdeg-Shan qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Axmed Carab, ayaa Hiiraan Online u sheegay in shan qof ay ku dhinteen halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen Qarax maanta ka dhacay magaalladda Muqdisho.

Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku Qarxay inta u dhaxeysa Saldhiga Police-ka degmadda Waaberi iyo Hotel-ka Maka Al-Mukarama ee Magaalladda Muqdishu.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la xiray wadada, iyadoo ciidamada ay wadaan baaritaanka qaraxa dhacay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Axmed Carab, ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa goobta Qaraxa uu ka dhacay.

Qof dumar ah ayaa la aaminsanyahay in ay kamid aheyd dadkii Qaraxa ku dhintay.

Dhinaca kale dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in gawaari yar-yar iyo mootooyin ay ku bur-bureen goobta Qaraxa uu ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa balse weerarada noocaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa geysta Al Shabaab.

Qaraxa maanta dhacay waxaa uu kusoo aadayaa xili shalay Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, uu booqday xero ay ku jiraan ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda.

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay rajada umadda Soomaaliyeed in ay tahay ciidanka.

“Sababta aan idin kugu imid waa in aan idin kaga tacsiyeeyo dhibkii idinku dhacay oo aan idin sheego sababta hal bil ka badan uu qarax uga dhici waayay Muqidishu in ay tahay shaqadda aad qabateen,” ayuu yiri RW Kheyre.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *