Xiriir!Nala soo xiriir. Fikirkaaga waa muhiim.

Ciidammo la wareegay xaruntii shirka dhismaha Maamul-goboleedka Hir-shabeelle ee Jowhar

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe, ayaa sheegaya in Ciidammo hubeysan oo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya la wareegeen xaruntii shirka dhismaha maamulka Hir-shabeelle.

Musharaxa madaxweyne ku-xigeenka Cali Xassan Taakoow oo Hoggaaminaya ciidamadan la wareegay Xarunta Shirka, ayaa warbaahinta u sheegay inuu jiro musuq-maasuq baahsan oo ka soconaya siduu hadalka u dhigay xarunta shirka, isagoo eedeyn ballaaran u jeediyay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka oo sidda uu sheegay fara-galin ku haya doorashada kuraasta sare maamul gobolleedka Hir-shabeelle.

“Waxaa ka cabaneynaa Xildhibaanad ka keentay Madaxtooyada Somalia, lacag tiro badan waxay arrintaas keentay musuq maasuq iyo cadaalad daro inay meesha ka dhacdo,” ayuu yiri Musharax Cali Xasan Taakow.

Shalay ayay Xildhibaannada Maamulka Hir-shabeelle doorteen Guddoomiye Baarlamaan, labadiisa ku-xigeen, waxaana doorashadaa laftirkeeda ka taagan dood adag.

“Wixii shalay ka dhacay ma aqoonsanin shirkana waan joojinay illaa laga helaayo hanaan hufan oo ummada u siman atahay dadka labada gobolna ku heshiiyaan haddii la isku dayo in dib loo bilaabana wixii kasoo baxa mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya dowlada.”ayuu yiri Musharax Taakow.

Dhanka kale, Illaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe iyo Hay’adaha Ammanka ku shaqada leh sugida ammniga shirka.

Ugu dambeyn, La wareegista Xaruntii Shirka dhismaha Maamul-goboleedka Hir-shabeelle ayaa imaneysa xili maalinta berri ah loo ballansanaa in halkaas lagu doorto Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle iyo ku-xigeenkiisa.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *